AKHRISO:- Duqii Degmada Jariiban oo Xilkii iska casilay.

0

Gudoomiyihii golaha deegaan ee degmada Jariiban ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 03_02_2019 wuxuu warbaahinta u qaybiyey Warqadiisii iscasilaada kadib markii uu 29_01_2019 golaha deegaanka ka codsay inuu iska casilo xilkaasi.

Maxamed Yuusuf Shirwac Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Jariiban ayaa sheegay inuu xilkaasi uga tagay Duruufo Caafimaad iyo Hawlo isaga u gaar ah sida uu sheegay.

Gudoomiyaha golaha deegaanka ayaa xiligii uu warbaahinta lahadlayey wuxuu sheegay 3 Sano iyo 7 Bilood oo xilkaasi soo hayey inuu wax badan ka qabtay degmada Jariiban isagoo uga mahad celiyey dhamaan shaqalihii iyo Wasaarada arimaha gudaha dawlada Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga Puntland.