AKHRISO:- Dowladda Kenya Oo Qorsheynaysa Inay Xiraan Xeradda Dhadhaab, Kadib, Weerarkii Hotel Dusit D2 Ee Nairobi

0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dib-u-eegis ku samayn doonaan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab ee W/Bari ee dalkaasi, kadib, weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, oo ay 21 qof ku geeriyootay.

Wargeyska The Standard Media ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ay Dib-u-eegistaasi timid, iyadoo Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegeen in mid ka mid ah 5-tii qof ee weerartay Hotelka Dusit D2 inuu Kenya ka soo galay Xeradda Qaxootiga ee Dhagaxley oo ku dhex taalla Xeradda kale ee Dhadhaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Baaritaano ay Boliska Kenya sameeyeen ayaa muujinaysa in Eedeysane aan la shaacinin oo iska dhigayey Qaxooti loo soo fududeeyey sidii ku imaan lahaa Nairobi, ugana qeyb geli lahaa Weerarkii Hotelka Dusit D2 ee Nairobi, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta Boliska Kenya oo loo soo dusiyay Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday Standard ee mataanka la ah wargeyska maalinlaha ee Standard ayey Bolisku ku sheegeen inaysan sugnayn xaalladda Ammaanka Kenya iyo inay Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla Garissa xudun u yihiin falalka dembiyadda iyo weeraradda ka dhaca Kenya, waa sida hadalka loo dhigay.