Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Baardheere

0

Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari Nooho ah waxaana lagu dhuftay difaaca bar-control oo ay Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen banaanka degmada Baardheere.

Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka warhaayeen warar sheegaya in qaraxyo ay ku soo wajahn yihiin Baardheere kadibna ay Ciidamo Itoobiyaan ah ay dajiyeen duleedka degmada maantana uu qaraxa ka dhacay Saldhigii ay sameeteyn Ciidamada Itoobiya ee duleedka degmada.