Madaxweyne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geerida Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex

0

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii Alle ha u naxariistee Abwaan Cabdillaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyoodey waddanka Hindiya.

“Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xersi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya. Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.