Maamulka Jubbaland Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Maanta Baardheere

0

Wararka aan ka helayno degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaaya in ciidamada amnigu fashiliyeen gaari ay kooxda Al-shabaab kasoo buuxisay waxyaabaha qarxa.

Gaariga qaraxu saarnaa oo ahaa nooca TOYOTA NOHA ayey cadowgu rabeen in ay ku gumaadaan dadka Soomaaliyeed, balse waxaa ka hortegay ciiidamada ammaanka.

Wax khasaare ah kama dhalan qaraxaan waxaana ku dhintay dhagarqabhii waday gaariga qaraxu ka buuxay.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Dowladda Ethiopia ayaa gaariga ku xabadeeyey markii isku deyey in uu magaalada soo galo.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan ayaa kusugan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada amniga ee degmada Baardheere ayaa horay u hayey xogta gaarigaan taasina waxay suuragelisay in ay ka hortagaan lana qarxiyo isaga oo aan geysan wax khasaare.