Faah Faahin Ka Soo Baxaysa Dab Xalay Ka Kacay Suuqa Bakaaraha

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dab xoogan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa ka kacay Guryo ku yaalla gudaha Bakaaraha, isagoona ku fiday qeybo badan oo ka mid ah Suuqaasi.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga waxa sababay Dabkan, waxaana uu khasaare ka soo gaaray illaa 4 goobood oo Ganacsi ah.

Gawaarida Dab Damiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda Hormuud ayaa markii dambe ku guuleystay daminta Dabkaasi.