DHAGEYSO:-Madaxweyne xaaf oo Kormeeray xarumo dowladeed oo ku yaalla gaalkacyo

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa saacadihii la soo dhaafay kormeer ku tagay Xeryo Ciidan oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo lagu tababarayo Xeryahaasi, waxaana uu kula dardarmay in ay ka faa’iideystaan tababarkaasi oo ay bixinayaan Saraakiil Soomaali ah iyo kuwa Cadaan ah.

Sidoo kale waxa uu uu tilmaamay in looga baahan yahay in ay door weyn ka qaataan sugida ammaanka deegaanada maamulka Galmudug.