DHAGEYSO:-Dowladda Somalia oo soo dhameystiraysa adeegyada Boostada ee dalka

0

Wasiirka wasaarada Boostada , isgaasiinta iyo technolojiyada ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in sanadkaan bilaawga ah ee 2019’ka ay soo dhameysiri doonan dhamaan adeegyada Boostada ee dalka.

Wasiir Canshuura ayaa xusay in deymo badan oo dhanka Boostada ah lagau leeyahay dowladda Soomaaliya ugu horeyna ay ku dedaali doonaan sidii deymahaasi ay u gudi lahayeen amaba lagaga cafin lahaa intaasi dabadeedna ay xooga saari doonaan dhameystirka adeegyada Boostada ee dalka.