Antony Thomas oo la sheegay in loo wareejiyay xabsi ku yaala garoonka Aadan Cade.

0

Warar la helayo ayaa sheegaya in Antony Thomas oo ah muwaadin haysta dhalashada dalka Uk islamarkaana ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar ayaa haatan la sheegayaa in loo wareejiyay xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde.

Sababta arrintaan ka dambeysay ayaa lagu sheegay kaddib markii maxaabiis lagu sheegay inay daacish ahaayeen islamarkaana ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar ay ku weerareen gudaha xabsigaasi Antony Thomas hayeeshee dhaawac soo gaaray beryahaan dambe laga dabiibayay.

48 sano jirkaan ee Thomas la yiraahdo ayaa loo heystaa qatar gelinta deganaanta guud ee dalka soomaaliya iyo inuu ku guul dareestay qeexidda walxo qarxa loo maleynayo oo laga helay boorsadiisa.

Saraakiil sare sare ee ka tirsan safaaradda UK ay ku leedahay muqdisho ayaa xaqiijiyay in Antony Thomas lagu hayo garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho iyagane ay dalbadeen arrintaasi balse waxaanan la ogeyn xog intaasi ka dheer.