SAWIRRO:-Safiirka cusub ee Soomaliya u fadhiya kuwait oo gaaray dalkaasi

0

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Danjire Cabdullahi Odawa ayaa garay caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Danjire Danjire Cabdullahi Odawa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey halkaasi waasiirka arrimaha dibadda Wadanka kuwait Sheekh Khalid Alfarasi iyo mas’uuliyiin kale oo ay kamid ahaayeen  19 safiiro oo ka kala socday wadamada Africa Iyo Carabta.

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee kuwait oo uu hor kacayay siihayaha safaaradda Abiib Muusa Faraax,aqoon-yahano iyo qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalkasi ayaa kamid ahaa soo dhaweynta danjiraha.

Danjire Cabdullahi Odawa  ayaa kulamo is xog wareysi ah la yeeshey madaxda dalkaasi Kuwait,iyo diblomaasiyiin kale,si loo dardargeliyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kuwait oo ay mas’uuliyadiisu tahay.

Sidoo kale wuxuu niyad wanaag iyo dhiirogelin u muujiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool,kuwaasi oo safiirka ka sugaya sidii ay u heli lahaayeen adeegyadii muwaadiniintu ay uga baahnaayeen safaaraddooda.