SAWIRRO:-Wararkii Ugu Danbeeyay & Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Muqdisho

0

Qaraxaan oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Gudaha Kaalin lagu iibiyo Shidaalka,isla markaana baakin u ah Maqaayad lagu Magacabo Baar Italia oo dhawaan laga furay agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon ee Magalada Muqdisho.

Wariyeyaal goobta tegay ayaa waxa ay soo sheegayaan  in ay arkeen dhaawaca ilaa Saddex ruux oo goobta laga qaaday,kuwaas oo Haweeney ay ka mid aheyd.

Majirto cid sirasmi ah loola beegsaday qaraxaas,hayeeshee waxaa dad goobta tegay ay sheegeen in gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf uu qarxay,isla markaana uu sababay khasaaro dhaawac ah.