SAWIRRO:-Masuuliyiinta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Tamarta XFS oo ka wada hadlay istaraatijiyada Horumarinta Biyaha iyo Tamarta Soomaaliya

0

Xoghayaha Joogtada ah ee  Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan(Cabdul) ayaa maanta Xafiiskiiisa Kulan kula qaatay Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, waxaana looga hadlay kulankaasi  horuamrinta Biyaha iyo Tamarta.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda  Soomaaliya ayaa diiradda inta badan lagu saaray qodabada istiraatijiyada  horuamrinta Tamarta iyo Biyaha oo dib loogu ballamay fulinteeda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya ayaa ku Ammaanay  Wasaaradda Qorsheynta iyo dar-dargelinta ballaaran ee ka socda Wasaaradda Qorsheynta iyo diyaarinta Qorshaha horumarinta Sagaalaad oo haatan ay socoto geedi socodka diyaarinta iyo qoristiisa.

Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Cabdul) Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu mahad celiyay kulanka uu  la yeeshay Agaasime Cabdiwaaxid, Waxuuna tilmaayay in istaatijyadaan  horuamrinta biyaha iyo Tamarta ay dar dargalin doonaan.