Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

0

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon, halkaasoo ay bar ciidan ku leeyihiin ciidamada ammaanka.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu ka dhacay goob ku dhow Wasaaradda Batroolka.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay kaalin shidaal ku dhegan Wasaaradda Batroolka, waxaana laga cabsi qabaa in qaraxaas uu saameeyo haamo shidaal dhulka hoostiisa ku jira.

Uuro ayaa la arkayay oo cirka isku shareeray, iyadoo qaraxa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kaddib la maqlay rasaas, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.