Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Jubbaland Oo Taageeray Howlgalka MD Axmed Madoobe Uu Sheegay In Jubbooyinka Looga Saarayo Al-Shabaab

0

Kulan lagu taageerayey howl-galka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ee ka dhanka ah Al-shabaab islamarkanaa dhawaan ka bilaabanaya degmooyinka gobolka Jubada dhexe ee gacanta Al-shabaab ku jira ayaa lagu qabtay Magaalada Gaarisa.

Kulankan oo ay ka horreeyeen kulamo kale oo isla arintan looga hadlayey waxaa soo qaban-qaabiyey xubnaha golaha wadatashiga iyo toosinta Jubbaland oo ay ku mideysanyihiin Aqoonyahanno,dhallinyaro iyo haween kasoo jeeda deegaanada Jubbaland kuwaasi oo sheegay in xilligan ay muhiim ay tahay in la taageero howlgalka uu ku baaqay madaxweyne Axmed Madoobe.

Shamso C/qaadir Xaaji oo ah guddoomiye ku xigeenka golaha oo ka mid ahayd masuuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in ka gole ahaan ay aad u taageersanyihiin howlgalka uu ku dhawaaqay madaxweyne Axmed Madoobe,waxaana ay sheegtay in qof walba oo Jubbaland kasoo jeeda uu ka qayb-qaato sida ay tiri.