DHAGEYSO:-Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Suudaan

0

Safiirka dowladda Soomaaliya ee fadhiya dalka suudaan Cabdirisaaq Axmed Shoole ayaa waxaa uu ka hadlay  xaaladda maxaabiista ee  Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkan, kaddib kormeer uu ugu tagay maxaabiis ku jirtay xabsiga Koobar.

Danjiraha ayaa uga mahad-celiyey Dowladda Suudaan fulinta codsigii Safaaradda ee ku aaddanaa in laga wareejiyo maxaabiista soomaaliyeed xabsigii hore ee ay ku jireen, loona wareejiyey xabsi kale oo ay codsadeen, arrintaas oo haatan ay fulisay Dowladda Suudan.