DHAGEYSO:-Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamay Gobalka Bari

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal uu dhexeeya dagaalamayaasha  Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamaya deegaanka Ceelka Miraale oo qiyaastii 70KM u jira magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka shalay iyo ilaa iyo saakay ka socda deegaano ka tirsan Gobalka Bari.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay Daacish  ku amreen in ay ka guuraan dhulka wadooyinka ah ee buuraha gobalka Bari, markii ay tageen agagaarka Ceelka Miraale.