AMISOM Oo Balan Qaad U Sameysay Madaxweynaha Cusub Ee Loo Doortay Puntland

0

Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa hadalkaasi ku sheegay War-saxaafadeed uu ku taageerayo Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland, Saciid C/llaahi Deni oo dhawaan loo caleemo-saaray Xilkaasi.

Ambassador Francisco Madeira waxa uu sheegay inay AMISOM kala shaqeyn doonaan Ciiddanka Puntland La-dagaalanka Al-shabaab iyo Daacish-ta ku sugan Deegaanadda Puntland, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay AMISOM  diyaar u tahay inay taageeraan Madaxweyneha Puntland iyo Maamulkiisa, si loogu dhabeeyo Ballanqaadkii Madaxweyne Saciid Deni ee uu ku sheegay inuu ka shaqeynayo Danaha dadka iyo dalka Somalia.