AKHRISO:- Webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu guro

0

Beeralayda ku nool deegaanada Gobolka Hiiraan ayaa cabsi xoogan ka qaba saameynta ka dhalan karta biyaha webiga ay ku tiirsanyihiin ee Shabeelle oo sii biyo yareenaya labadii sano ee ugu dambeysay.

Dadka beeraleyda ah ayaa iminka muujinaya cabsi xooggan oo ku saabsan in gebi ahaan webiga guro, oo ay waraab u wayaan dalagyadooda, ayna soo wajahdo xaalad biyo la’aan ah.

Maraka laga soo tago walwalka beeralayda waxaa kale oo iyana cabsi xoogan soo food saartay dadka danyarta ah ee aanan awoodin in ay Tubooyin biyo gashtaan balse kaliya ku tiirsan biyaha Webiga sii biya yareenaya ee Shabeelle.

Biyaha webiyada dalka mara ayaanan si wanaagsan lagaga faa’iideysan oo marna fatahaada ay sameeyaan oo aanan laga gaashaaman ayaa saameyn xoogan ku yeesha dadka ku nool deeganada ay maraan, marna in uu guro ayaa saameyn kale oo xoogan ku yaallata beeralayda iyo danyartaba.