Akhriso:-Kooxo Hubeysan Oo Qof Rayid Ahaa Ku Dilay Gobolka Galgaduud

0

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qof shacab ahaa lagu dilay agagaarka deegaanka Godinlabe ee gobolkaasi.

Dilkan ayaa la sheegay in ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah, iyadoona uu salka ku hayo Aano Qabiil.

Xiisad ka dhalatay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay ka taagan tahay duleedka magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Sidoo kale waxgaradka deegaanka ayaa bilaabay dadaallo nabadeed oo looga hortagayo colaadaasi.