AKHRISO:- Injineero Soomaali iyo Ajaanib ah oo lagu weeraray duleedka Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari ay saarnaayeen Injineero Somaliya iyo Ajaanib ah.

Qaraxa oo ka dhacay Nawaaxiga Jaamacada Shabeelle ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay kahsaare ku kooban dhaawacyo oo gaaray Saddex Injineero ah iyo Askari ilaalo u ahaa, Dadka dhaawcamay laba kamid ah waxaa la sheegay iney Ajaanib yihiin waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan iney u dhasheen dalka Shiinaha.

Xubnahan oo ku soo jeeday magaalada Muqdisho ayaa waxaa qarax miino lala eegtay gaari Hilux ay wateen, iyagoo xiligaasi marayay meel ku dhow xarunta deegaanka Garasbaaleey.

Ciidamada ammaanka oo tagay halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah kuwaasoo lagu baadi goobayay dadkii qaraxa wadada dhineceeda dhigay, iyadoo daqiiqado kadib ay dib u furantay wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Afarta qof ee dhaawacyada qabay ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalada ku yaala magaalada Muqdihso, hhalkaasoo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo, dhamaan dadkan dhaawacyada ah ayaa la sheegay iney u shaqeeyaan mid kamid ah shirkadaha Korontada ee magaalada Muqdisho.

21-kii bishan waxaa qarax lagu dilay Dhakhtar Ajnabi ah oo Siiriya u dhashay, iyadoo qaraxaasina uu sidoo kale ku dhaawacmay mid kale oo Siiriyaan ah, waana markii 2-aad oo dad Ajaanib ah lagu waxyeeleeyo qarax ka dhacay Muqdisho iyo hareereheeda wax ka yar 10 maalin.