Akhriso:-DFS Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalkii Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni

0

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad nidaamsan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa  sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay.

Madaxweyne Museveni oo maalin kahor hadlay ayaa sheegay arrin ay Soomaali badan dhibsatay.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay dalka uga eriday ergeygii gaarka ahaa ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya oo ay ku eedeesay in uu ku xadgudbay madaxbanaanida dalka.