AKHRISO:- Dagaal qasaare geystey oo ku dhex maray ciidamada dowlada degmada Balcad

0

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhintey afar kale oo uu ku jiro xoghayaha dowlada hoose ee degmadana ay ku dhaawacmeen iskahorimaad hubeysan oo ku dhex maray duleedka degmada Balcad ciidamo ka wada tirsan Milatariga Dowlada Federalka.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay muran ku saabsan qaabka loo qaadayo lacagaha canshuuraha gaadiidka dhex mara degmada Balcad.

Murankan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo Xoghayaha dowlada hoose ee degmada Balcad Yuusuf Xasan Cali iyagoo isku qilaafay qaabka loo qaadayo canshuuraha laga qaado gaadiidka isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka kuwaasoo sii dhex mara degmada Balcad.

Ciidamo daacad u ah Xoghayaha Dowlada hoose ee degmada Balcad ayaa bilaabay inay lacago ka qaadaan gaadiidka iyagoo bar koontarool dhigtey duleedka Waqooyi ee degmada Balcad.