SAWIRRO:-Maxaa Kasoo Baxay Kulan Gaar Ah Ay Yeesheen Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Dowlad Goboleedyada?

0

Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay casho sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowaddaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wada sugan Garoowe.

Casha sharfata uu sameeyey Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladdaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee DFS Cali Maxamed Geedi, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Munaasibadda casho sharafta ah ayaa ahayd mid lagu maamuusayey Madaxda Soomaaliyeed ee kasoo qayb gashay xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee Puntland, munaasibaddaas ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa fanaaniin caana oo qaaday heeso wadani ah iyo kuwo ay ugu talagaleem Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka iyo masuuliyiinta kasoo qayb galay casho sharafta u gacan qaaday mid mid waxaana uu ugu tegey shakhsi kasta goobta uu ka fadhiyo Madasha.