Midowga Yurub oo dalka Sacuudi Carabiya ku daray liis halis ah

0

Guddiga Midowga Yurub ayaa Sacuudi Carabiya ku daray liis qabyo, oo ah dalalka halista ku ah ururkaas, sababtoo ah, xakameyn la’aanta maal-gelinta argagixisada  iyo been xalaalaynta lacagaha.

Sida ay daabacday Reuters, tallaabadan ayaa timid ayada oo uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee Sacuudiga ay kala kulmeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Liiskan ayaa waxaa hadda ku jira 16 dal oo ay ka mid yihiin, Iran, Iraq, Syria, Afghanistan, Yemen iyo Korea-da Waqooyi.

Hase yeeshee liiskan ayaa waxaa la cusbooneysiiyey toddobaadkan, ayada oo la eegayo qodobo uu golaha Midowga Yurub diyaarinayey sanaddii 2017. Sacuudiga ayaa ka mid noqday dalal cusub oo liiska lagu daray, sida ay ogaatay Reuters.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga weli kama aysan jawaabin tallaabada Midowga Yurub.

Tallaabadan ayaa dhaawac xooggan ku ah Riyadh xilli ay isku dayeyso inay dhisto sumcadeeda caalamiga ah, si ay maal-gashtayaasha shisheeyaha ugu dhiiri-geliso inay dalkaas maal-gashtaan, si ay uga madax-banaanaato ku tiirsanaanta shidaalka.

Ka sakow dhaawaca caalamiga ah ee gaaraya, ku daristan liiskan waxa ay adkeyn doontaa macaamilka maaliyadeed ee Sacuudiga iyo bankiyada Midowga Yurub, sababtoo ah hay’adaha Sacuudiga ayaa mari doona hubitaan dheeri ah.