Doorashada Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka Oo Maanta Dhaceysa

0

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah ay ka dhacdo doorashada kursi ka banaan Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Soomaaliya.

Kursigaan oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed ayaa waxaa 27-kii Abriil sanadkii tegay ee 2018-kii ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif  Sheekh Cabdullaahi (Dheere) kadib muddo uu ku xanuunsanaa Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ayaa dhawaan diiwaangeliyay 1) Isaaq Khaliif Sheekh

1: Isaaq Khaliif Sheekh
2: Cabdulqaadir Sh. Maxamed Nuur

3: Xasan Macalin Ibraahim iyo

4: Cabdullaahi Sh. Maxamed

Shalay waxaa Magalada Baydhabo kulan ku yeeshay Odayaal,kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan Doorashada Maanta ka dhaceyso Baydhabo,iyaga oo sheegay in faragelin lagu haayo.