DHAGEYSO:-Taliska Asluubta Oo Beeniyay In La Dhaawacay Anthony Thomas

0

Taliyaha xasiga dhexe ee Xamar Maxamed Sheekh Cumar oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyay in dhaawac loo geystay Anthony Thomas oo ah muwaadin Ingiriis ah oo ku xiran gudaha xabsigaasi.

Maxamed Sheekh Cumar ayaa wararka sheegaya in Sakiin lagu dhaawacay ninkaasi Ajnabiga ah ku tilmaamay kuwa been abuur ah.

Waxaana uu tilmaamay xaaladda Anthony Thomas ay tahay mid wanaagsan, islamarkaana uu caafimaad qabo.