DHAGEYSO:-Ciidanka Amniga Oo Qabtay Askari Dil Ka Geystay Waabari

0

Ciidamada ammaanka  ayaa gacanta ku soo dhigay Askari ka tirsan  Ciidanka DFS oo xalay  dil ka geystay degmadaWaabari ee gobolka Banaadir.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/naasir Aadan Cabdi, waxaana uu ahaa Wade Mooto Bajaajle ah, sida ay  xaqiijiyeen ehellada Marxuumka.

Askariga  dilka geystay ayaa haatan ku xiran Sadlhigga degmada Waabari, iyadoona sidoo kale  halkaasi ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah ehellada Marxuumka.