-Darawal Mooto Bajaaj oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka Tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay Darawal Mooto Bajaaj ahaa ku dilay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka ee Magaaladda Muqdisho,waxaaan bajaajlaha la dilay lagu magacaabi jiray C/qaadir Aadan cabdi.

Goobjoogyaaal ayaa warbaahinta u sheegay in askariga iyo bajaajlaha uu khilaaf soo kala dhexgalay,islamarkaana askariga rasaas uu furay.

Meydka Darawal Mooto Bajaajlah ahaa ayaa la geeyay xarunta CID ee Booliska Soomaaliyeed,waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka geystay.