SAWIRRO:-Shirka saddex billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay magaalada Baydhabo

0

Shirka saddex Billaha ee isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG dowlad-goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Xaaji Bashiir ayaa si wadajir ah u furay shirkaan.

Waxaa sidoo kale shirkaa kasoo qeyb galey Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Taliyaha Ciidanka Boliiska Koonfur Galbeed, agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga KGS, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Ururada Bulshada rayidka.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb galeen agaasinka Guud, madaxda waaxaha, Laamaha iyo qaar kamid ah Saraakiisha Hay’adda socdaal iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saari doonaa waxqabadka Hay’adda, iyo Caqabadaha ka horyimid sedaxdii bil ee la soo dhaafey, iyo sidoo kale diyaarinta qorshaha sedaxda bil ee soo socota.

Sidoo kale waxaa tallooyin laga dhageysan doonaa wakiilada ka socda hay’adaha kala duwan ee heer Federaal, heer Maamul Goboleed, Maamulka gobolka , iyo Bulshada rayadka.

Kusimaha agaasimaha guud iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalinkii shalay soo gaaray magaalada Baydhabo,waxaana la filayaa inay kormeer ku sameeyaaan xafiisyada hay’adda iyo kulamo ay la yeelan doonaan qaar kamid ah Hay’adaha ay wadashaqeyntu kala dhaxeyso Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya.