SAWIRRO:-Madaxweynaha Puntland oo Qado Sharafeed u Sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa Maamulada Dalka

0

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa  Qado Sharafeed ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamulada dalka.

Kulankan qado sharafeedka ah ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Puntland ahna xildhibaan aqalka sare ah Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha DFS Soomaaliya iyo Maamullada dalka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

 

Ugu danbeyntii, Madaxweynaha DF Soomaaliya, Madaxweynaha Dowladda Puntland, Madaxda Maamullada dalka iyo Madaxda kale ee qaybta ka ahayd qado sharafeedka ayaa qaatay shir gaar ah oo ay kaga hadlayaan arrimo muhiim ah oo khuseeya danaha ummadda Soomaaliyeed.