DHAGEYSO:- Odayaasha Dowlad Deegaanka Oo Joojiyay Xalinta Khilaaf Mudooyinkii Dambe Taagnaa

0

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa taagnaa khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad deegaanka iyo Axmed Shide oo ah Wasiirka Maaliyadda Itoobiya,waxana socday wadahadallo lagu xalinayo.

Hayeeshee Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan wixii ka dambeeya ay joojiyeen xalinta khilaafkaas,kaidb markii garabka Axmed Shido ay diideen xalintaas.

Garaad Kulmiye Garaad Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dowlad deegaanka ayaa sheegay in Odayaasha ay go’aansadeen inay joojiyaan wadahadallada lagu xalinayo khilaafkaas,maadaama sida uu sheegay in uu diiday Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee dowlad deegaanka Axmed Shido.