Haweeney la dilay kadibna meydkeedii lagu jarjaray deegaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe

0

Wararka ka imanaya deegaanka Balcaano oo dhinaca Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka  Hirshabelle illaa iyo 30km ayaa  sheegaya in lagu diley haweeney ka mid ah dadka ku nool deegaanka Balcaano kadibna meydkeedii la jarjaray.

Falkan oo la sheegay inuu ka dambeeyay nin ay qaraabo ahaayeen gabadha la diley oo magaceeda lagu sheegay Xakiimo Abuukar Xasan ayaa ahaa mid aad looga naxay iyadoo meydka gabadhaas oo la jarjaray laga helay meel ka baxsan deegaanka ay ku nooleyd.

“Meydka gabadha ayaa laga helay iyadoo lagu  jarjaray mindi oo lagu dhex ridey jawaan waxayna joogtay beer ay qoyskeedu ku lahaayeen deegaanka Gaaleef.”ayay tiri Dahabo Cali oo ka mid ah dadka ku nool deegaankaas.

Lama oga sababta ka dambeysay dilka haweeneydan hase yeeshee waxaa wararka qaar ay sheegayaan inuu la xiriiro arrimo dhaxal ah.