DAAWO:- Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo gaaray magaalada Garowe

0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland.

Mudane; Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Goalaha wakiillada ee Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) iyo xubno ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi.

Shir Jaraa’id oo ay Labada mas’uul ku qabteen qeybta Dadka muhiimka ah ee VIP-da loo yaqaan ayay ku sheegeen in ay wada shaqayn dhow ka dhaxayso Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka maamulka Puntland.