SAWIRRO:-Shil sababay khasaaro oo ka dhacay Buuhoodle

0

Shil gaari oo sababay Khasaaro dhaawac ah ayaa ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn,kadib markii sida la sheegay ay isku dhaceen laba gaari.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kala ahaa Land Cruiser oo kusii jeeday Laascaanood iyo mid Noah ah oo qaad siday,waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

Aadam Jaamac Oogle oo kamid ah dadkii saarnaa mid kamid ah gaadiidka shilka galay ayaa waxa uu yiri “Ilaahay ayaa mahad leh oo aan wax yeelin siddeed qof oo aan labada gaari ku kala saarnayn, marka la ga reebo dhaawacyo fuddud oo jidhka ah iyo kuwo dhanka dareenka ah,waxaan dib ugu ku noqonay Buuhoodle”.

Inta badan Shilalka noocaan oo kale ayaa waxaa sababab gaadiidka qaadka sida oo ku socda Xawaare sare,isla markaana wadooyinka dhinac uga baxa.