AKHRISO:- Kenya Oo Sheegtay In Rag Lagu Tuhunsanaa Weerarkii Al-Shabaab Ee Nairobi Ay Isa-Soo Dhiibeen

0

Boliska dalakasi ayaa sheegay inay isa soo dhiibeen 3 ka mid ah rag Kenyan ah oo aad loo baadi-goobayey.

Wargeyska Nation ayaa qoray inay ragaasi isku dhiibeen Boliska magaalladda Isiyoolo ee Waqooyiga dalkaasi oo 285 KM dhanka Waqooyi kaga toosan magaalladda Nairobi.

Magacyada ragga isku dhiibay Boliska Isiyoolo waxaa lagu kala sheegay: Cabdi Cali Kanjoora, Boru Cabdi Bidu iyo Ramadaan Wariyo Bonaaya oo lagu naanayso Rasho.

Dhinaca kale, Waalidiinta ragga isku dhiibay Boliska Kenya waxay sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn dembiga lagu soo tuhunsan yahay, inkastoo ay Boliska horey u soo bandhigeen magacyadda iyo sawiradda rag ay ku raad-joogaan.

Waalidiinta oo ka yimid Deegaanka Tuuloroba ee ka tirsan Isiyoola waxay sheegeen inay ka argagaxeen markii ay magacyadda wiilashooda xalay ku arkeen Warbaahinta, isla markaana ay cabashadooda u gudbiyeen Xafiiska Ku-xigeenka Taliyaha Boliska Gobalka Isiyoolo oo ay caasiimadiisu tahay Isiyoolo.