Shir Dhaqaale Loogu Uruurinayo Somalia Oo Ka Furmay Lubnaan

0

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madax ka socota ururka Jaamacada Carabta ayaa ka furmay magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan.

Waxaana diirada lagu saarayay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dalalka ay dagaallada la dageen ee Jaamacadda Carabta, sida uu sheegay xoghayaha ururkaasi.

Shirka ayaa la filayaa in sii gaar ah diirada loogu saaro dalalka Siiriya, Soomaaliya,iyo Yemen oo ka mid ah dalalka ugu daran ee ay ragaadiyeen colaadaha iyo dagaaalada sokeeye.

Axmed Aboul Gheit xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in dhaqaalaha ka soo baxa dalalka Jaamacada Carabta lagu gargaari doono dadka ay saameyeen colaadaha ka taagan saddexdaasi dal.

Sidoo kale wax uu xusay in dhaqaalahan qeyb ka mid ah loo adeegsan doono dib u dhiska dalalkaasi oo si weyn ugu burburay dagaalada.