Lafta Gareen Oo Maanta Lagu Caleema Saarayo Baydhabo

0

Xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qaban qaabada munaasabaddan ayaa saaka si aad ah looga dareemaya gudaha magaaladaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare ee BFS ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaas ka qeyb galaya xafladdaasi.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan wafuud ka kala socda madaxda maamul goboleedyada oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweyne Lafta Gareen.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dhawaan ayey aheyd markii doorasho madaxweyne ay ka dhacday Koonfur Galbeed, taas oo uu ku soo baxay madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)