AKHRISO:- DFS Oo Sheegtay Inay Cadaadis Dibedeed Kala Kulmeen Go’aankii Dhexdhexaadnimadda Ee Khilaafka Dalalka Khaliijka

0

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa arrinkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, oo uu kaga hadlay Xaalladda Somalia, Xiriirka Turkiga iyo Somalia, Khilaafka Khaliijka, Dib-u-soo-laabashada Safaaradaha Shisheeyaha u joogay Somalia iyo Falkii lagu dilay Saxafigii Sacuudiyaanka ee Jamaal Axmed Khashoggi iyo arrimo kale.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka.

Waxa uu intaasi ku daray inuusan Cadaadiskaasi wax niyad jab ah u noqon doonin go’aanka ay DFS ka istaagtay arrintaasi, isla markaana uusan Go’aankaasi wax u dhimi doonin Xiriirka Somalia iyo dalalka uu tilmaamay inay Cadaadis Siyaasadeed ku hayaan Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, waxa kale oo sheegay inaysan doonaynin inay qeyb ka noqdaan Khilaafka u dhexeeya dalalka Walaalaha ee Khaliijka, taasina ay keentay Go’aanka Dhexdhexaadka ee Somalia, si xiriir dhow lala yeesho dalalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia.