SAWIRRO:-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Bangiga Aduunka

0

Wafdigaan oo ka socday Bangiga Aduunka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyaadda XFS Md C/Raxmaan Ducaale iyagoona ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka Maaliyadda Dalka.

Masuuliyiinta Wafdiga hogaaminaysay ayaa kalahaa Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale.

Wasiirka Maaliyadda Mr Beyle ayaa seegay in ay ka wada hadleen madxda Bangiga Aduunka arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha laga gaaray hanaanka maamulka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

“ Waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Mr Niraj Verma oo ah wakiilkq Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale.

Waxaan ka wada hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hanaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. Bangiga Aduunka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Bangiga Aduunka ayaa ah Sxb in badan ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada Dowladda Soomaaliya.