DAAWO:-Ciidanka Kenya Oo gubay xarun ay laheyd Shirkada Hormuud

0

Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya.

Ciidamadan oo watay Gaadiid Gaashaaman, kana soo gudbay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Cali-Buley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee gobolkaasi.

Sidoo kale Ciidankan ayaa jirdilay mid mid ah shaqaalaha Shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah.

Waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaanada Cali-Buley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan gobollada Jubada Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray xarunta la Gubay.

Muqdisho

Ciidamada Kenya ayaa Qaraxyo ay Miinooyin u Adeegsadeen Waxay ku bur buriyeen Xarunta ay shirkadda Hormuud ku lahayd Degaanka Cali Buulley oo ku dhow Degmada Dhoobley ee Gobalka J/Hoose.Zakariye Mahamud Timacade aya ka Waramaya.

Slået op af Universal Somali TV i Tirsdag den 15. januar 2019