Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Oo Maanta Xilka La Wareegaya

0

Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah xilalkooda ula wareegaya.

Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo ay mas’uuliyiintan xilalka kula wareegayaan iyadoo aad loo adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe.

Waxaa la filayaa in madaxdii hore ee Puntland ay halkaasi khudbado ka jeediyaan munaasabaddan, islamarkaana ka hadlaan wixii ay qabteen Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here