Akhriso:-Hogaamiyaha Jubbaland oo mas’uuliyiin cusub u magacaabay degmada Afmadoow

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Jubbaland ayaa mas’uuliyiin cusub loogu magacaabay Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubbada Hoose kadib markii todobad ka hor uu booqasho ku tegay Madaxweynaha Maamulkaas iyo Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland ayaa gudoomiyaha degmada Afmadow waxa uu u magacaabay Yuusuf Xasan Xuseen,sidoo kalana waxaa Gudoomiye ku xigeen loo magacaabay Cali Rabaax Sheeikh Cumar, waxaana mas’uuliyiintan la faray in ay gutaan waajibaadka loo igmaday.

Degmada Afmadow ee Gobalka Jubbada Hoose ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan, kuwaas oo ku aadan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaano ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.