Wasaaradda Amniga oo xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan Muuqaal laga soo duubay xilli uu qof haween ah Aflagaadeynaayay.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la xiray sarkaalka, islamarkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaa uu ka soo muuqday muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore.

“Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga.