TOP NEWS:-Aqalka Sare oo bogaadiyay Gudiga uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre

0

Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida qaran oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

Senator Axmed Macalin Nuur Gudoomiyaha Guddigaan  ayaa ku tilmaamay talaabada wasiirka 1aad ee XFS mid timid xili loo baahnaa.

Gudoomiye Axmed Nadiir ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonan Guddiga, oo ka kooban 11 xubnood, oo 8 kamid ah yihiin Wasiiro, iyadda ay ku jiraan Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka.