AKHRISO:- Muwaadiniin Soomaali Ah Oo U Tartami Doona Kursi Ka Banaan Golaha Furan Ee Mareykanka

0

Waxaa aad u sii kordhayso Tirada Somali-Maraykanka ka mid noqonaya Golayaasha Degmooyinka iyo kuwa Heerka Qaran ee dalka Maraykanka.

2 Murashax oo Somali-Maraykan ah oo lagu kala magacaabo Isaaq Maxamed iyo Faysal Axmed ayaa la sheegay inay u tartami doonaan Kursi ka bannaan Golaha Furan ee magaalladda Barron ee Gobalka Wiskonsin ee dalkaasi.

Murashax Isaaq Maxamed waxa u usheegay inuu doonayo inuu noqdo qofka ugu horreeya ee u tartama Kursigaasi, wuxuuna rajo ka muujiyey inuu ku guuleysan doono.

Waxa uu intaasi ku daray inuu doonayo inuu Wakiil u wada noqdo Mujtamaca ku wda nool magaalladda Barron iyo inay sharaf u noqon doonto inay cod yeeshaan dadka Soomaalida ee deggan magaalladaasi.

Murashax Isaaq Maxamed waxa kale oo uu tilmaamay inuu isagoo Qaxooti ah yimid Maraykanka, haddana uu yahay Muwaadin Maraykan, oo caawiya Mujtamaca Soomaalida ku nool Barron, isla markaana uu horey u taageeray Dowladda Maraykanka.