Gudoomiyaha gobolka banaadir oo markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Maqaamka Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay arrinta maqaamka Magalada Muqdisho oo dad badan mudo isweeydiinayeen.

Eng Yariisow oo la hadlayay Shacabka ku nool degmada Yaaqshiid oo uu ka qabsoomay Shirkii Todobaadalaha ee Maamulka ayaa sheegay in Sanadkaan uu yahay kii la raadin lahaa Maqaamka Caasimadda.

“Waa Sanadkii wax qabadka,Sanadkii u diyaar garoowga Doorashooyinka,dhameystirka Dastuurka iyo Sanadkii Maqaamka Muqdisho  iyos dii dadka Muqdisho aayahooda uga tashan lahaayeen,isla markaana ku helaan sida Gobolada kale Matalaad Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.