DAAWO:-Ciidanka xoogga Dalka oo Isbaarooyin ka qaaday Gobalka Shabeellada hoose

0

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howl-gallo lagu qaadayay Jid gooyooyin yiillay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose ka sameeyay Degmada  Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Howl-galkan oo ay hor kacayeen taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jenaraal, Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakil kale ayaa lagu qaaday Isbaarooyin dhowra oo lagu dhibaateyn jiray Dadka Shacabka ah, iyagoo Gacanta kusoo dhigay Shan ka mid ah Kooxihii ay Jid-gooyada u tiillay iyo Hubkii ay wateen.

Taliye, Odowaa Yuusuf , ayaa sheegay in ay u taagan yihiin difaaca Dalka, isla markaana aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo Shacabka, waajibna uu ka saaran yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.