SAWIRRO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo ku howlan horumarinta tubaha loo dhanyahay

0

Furitaanka tababarkan iyo aqoon isweydaarsigan oo ku saabsan tubaha loo dhanyahay oo loo qabtay shaqaalaha iyo maamulka wasaradda Dekdeha iyo Gaadiidka badda XFS waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha,wasiir kuxigeenka wasaaradda,agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale.

Mudada uu socdo oo 4 maalmood ah waxaa diiradda lagu saari doonaa Tubaha horumarinta dhaqaalaha,siyaasadda loo dhanyahay,ariimaha bulshada amniga iyo cadaaladda,waxaana aagaasimaha guud ee wasaraadda dekedaha iyo Gaadiidka badda uu sheegay in wasaarddu ay wado qorshayaal ay kamidka yihiin dhismahah xaruntii wasaraadda iyo sare u qaadista aqoonta shaqaalaha.

“Si wasaaradda ay cageheeda ugu istaagto waxaan xooga saaranay horumarinta howlaha horyaal sida dhismaha xaruntii wasaaradda,hada waxaa ay mareysaa meel dhamaad ah,waxaa jira shaqaale kooban oo dowladii dhexe soo joogay oo kooban,balse waxaan ku qasbanaanay in aad waxbarasho u dirno dhalinyarada cusub si sare loogu qaado aqoontooda,waxaana dirnay dhalinyaro badan”. Ayuu yiri agaasime Dhagaxtuur.

Maxamed Nuur Maxamed Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska R/wasaaraha XFS ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda laga leeyahay tubahani loo dhanyahay.

“Tubaha loo dhanyahay waxkale ma ahan waa Soomaali is xilqaantay oo garatay wadadii ay ku socotay una diyaar garowday dhibaatooyinka wadadaasi ay leedahay in ay u bareerto,intii karaan ah,awood iyo caqli iyo dadnimoba la isugu geeyo si loo soo celiyo sumcaddii sharafkii iyo karaamadii dalka.”

Mudane Cismaan Cabdi (Daalo) wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa ku booriyay shaqaalaha wasaraadda in ay ka faaidaystaan tababarkan.

“Sanadkii 2018 waxyaabihii ay gudbisay wasaaraddu oo loogu talagalay waa ay qabatay, sanadkan 2019 maxaa horyaala wasaaradda Dekedaha,tababarkan waxaad ka faaidaysaan waxaad arkaysaan wixii aan soo qabanay 2018 si daahfuran, si 2019kan ay uga timaado maskaxdiin”. Ayuu yiri Wasiir Daalo.