Guddoomiyaha Aqalka sare oo u hambalyeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xiggeenka Puntland.

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku hadlaya Magaca guud ee Golaha ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dawlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xiggeenka Maamulkaasi Mudane Axmed Cilmi Cismaan (karaash)

Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa labaasi masuul ee ku guuleystay hoggaanka sare ee Dawlad goboleedka Puntland ALLE uga baryey in uu u fududeeyo Masuuliyada culus ee loo dhiibay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa aad u amaanay Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland doorashadii ka dhacday Garoowe ee sida nabad galyada iyo dimoqraadiyada leh ku dhacday.

Ugu Dambeyn Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Shacabka reer Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha Puntland iyo Ku xiggeenka ee maanta loo doortay Xilalkaasi, si ay ugu fududaato gudashada masuuliyada culus ee lagu Aaminay.