DHAGEYSO:-Kooxo Hubeysan Oo Wiil Dhalinyaro Ahaa Ku Dilay Dharkenley

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil Xalay Wiil Dhalinyaro ahaa loogu geystay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Xoosh oo ka tirsan degmadaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhiga Galbeed  ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo Meydka ka qaaday halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Wiilka Dhalinyarada ee la dilay uu ahaa Qof shacab ah, islamarkaanauu  ka mid ahaa dadka deegaanka.